Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Khilaafka Baarlamaanka


Faaqidaadda: Khilaafka Baarlamaanka
Faaqidaadda: Khilaafka Baarlamaanka

Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa soo wajahay khilaaf cusub kaddib markii xildhibaanno ka tirsan baarlamaanku ay toddobaadkan xilkii ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aden.

Xildhibaannadan ayaa guddoomiyaha ku eedeeyay inuu shaqadiisa gabay isna hortaagay fahiyadii uu yeelan lahaa baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Guddoomiye Shariif Xasan ayaa ku gacan seydhay in xilka laga qaaday, wuxuuna talaabadaasi ku eedeeyay inay ka danbeeyaan koox qaswadaayaal ah.

Barnaamijka Faaqidaada ee Toddobaadka ayaa haddaba ku saabsan muranka cusub ee baarlamanka iyo wuxuu ku salaysan yahay iyo waliba wuxuu dhalin karo.

Barnaamijka waxaa ka qeybgalaya oo arrimahan ka dooddaya;

Xildhibaan Cumar Islow oo Muqdisho

Xildhibaan C/rashiid Ciro oo Muqdisho jooga

Dr. Cali Siciid Fiqi oo Maraykanka jooga kana tirsan guddiga dastuurka qabyo-qoraalka

Max'uud Nuur Caddow, oo barrre ka ahaa kulliyadii sharciyada ee jaamacaddii Ummada.

Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG