Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Lacagaha Gargaarka Somalia


Faaqidaadda: Lacagaha Gargaarka Somalia
Faaqidaadda: Lacagaha Gargaarka Somalia

Barnaamijka Faaqidaadda wuxuu toddobaadkan ku saabsan yahay lacagaha UN-ku ay dalbadaan ee lagu bixiyo gargaarka Somalia.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay u baahan tahay $530 milyan oo doolar si ay ugu bixiso hawlaha gargaarka Soomaaliya ee sanadka soo socda. UN-ka ayaa sidoo kale sheegay in lacagtaasi ay 23% ka hooseeyso tii ay sanadkii hore dalbadeen.

Haddaba barnaamijkeena Faaqidaadda Toddobaadkan waxaan ku eegaynaa dalabka lacagtaasi iyo waliba sida loo kharashgareeyo lacagaha lagu soo helo gar-gaarka bini'aadanimo ee loo fidinayo Somalia.

Barnaamijkan waxaa ka qeybgalay oo arrimahaasi ka dooddaya.

-Prof. C/llaahi Sheekh Cali oo wasiirru-dowlaha qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ka soo noqday DKMG, wuxuuna ku sugan yahay magaalada Nairobi.

-Prof. C/risaaq Maxamed Cali oo lataliye u ah wasaaradda qorsheynta ee maamulka Puntland, wuxuuna ku sugan yahay Garoowe.

-C/llaahi Sheekh Xasan oo guddoomiye u ah xizbiga nabadda iyo dimoqraadiyada ee Somalia, wuxuuna ku sugan yahay London.

XS
SM
MD
LG