Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Khilaafka Shariif iyo Sharmaarke


Faaqidaadda: Khilaafka Shariif iyo Sharmaarke
Faaqidaadda: Khilaafka Shariif iyo Sharmaarke

Faaqidaadda toddobaadkan waxaan ku eegaynaa khilaafka Shariif iyo Sharmaarke kaasoo haatan hadheeyay xildhibaannada baarlamaanka KMG.

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxaan ku eegaynaa khilaafka ka dhextaagan Madaxweyne Shariif iyo Raisal-wasaare Sharmarke ee ku saabsan ansixinta dastuurka qabayada ee Somalia.

Khilaafkan labada mas’uul ayaa haatan u gudbaya baarlamaanka Somalia, Waxaa Muqdisho ka socda olole ka dhan ah raisal-wasaare Sharmarke kaasoo ay wadaan xildhibaanno la fikir ah madaxweyne Shariif kuwaasoo Sharma'arke ku eedaynaya waxqabad la'aan iyo waliba warqadda uu u diray beesha caalamkala doonayo in baarlamaanka hortiisa lagu keeno mooshin.

Haddaba khilaafkan haatan taagan natiijo noocee ah ayuu dhalin karaa? xaggee ayuuna ku dhamaan doonaa. Su'aallahaasi iyo kuwo kale ayuu barnaamijku ku saabsan yahay, waxaana ka dooddaya oo barnaamijkan ka qeybgalaya Xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah xildhibannada wadda mooshinka ka dhanka ah Raisal-wasaare Sharmarke iyo Xildhibaan Daahir C/dir Muuse Ciiro oo isna ka mid ah xildhibaannada la fikirka ah Raisal-wasaare Sharma’arke iyo Prof. C/wahaab Sheekh Cabdisamad oo macallin ka ah jaamacadda Nairobi.

XS
SM
MD
LG