Isku xirrada

War

Faaqidaadda: Jiritaanka Luqadda Af-Soomaaliga


Faaqidaadda: Jiritaanka Luqadda Af-Soomaaliga

Faaqidaadda: Jiritaanka Luqadda Af-Soomaaliga

Barnaamijkan ayaa ka hadlaya walaac ay qabaan aqoonyahnno Soomaali ah oo ku doodaya in Af-Soomaaligu uu dhawaan dabar-go'i karo

Barnaamijka Faaqidaadda toddobaadka wuxuu ku saabsan yahay jiritaanka luqadda Soomaaliga. Waxaa jira walaac laga qabo in luqada Soomaaligu ay ka mid noqoto luqaddo badan oo dabar go'ini doona.

Haddaba barnaamijkan waxaan ku eegaynaa dood ku saabsan jiritaanka Af-Soomaaliga. Aqoonyahanno iyo khubarro Soomaali ah oo qaba in Soomaaligu dabar-go'ayo ayaa ku dooddaya in luqaddo uu Soomaaligu ka mid yahay aysan iska difaaci karin weerarka uga imanaya luqadaha kale. Dhanka kalena aqoonyahannada Soomaalida waxaa jira qaar qaba in ay arrintaasi dhab tahay oo loonna baahan yahay in si aad u wayn loogu gurmado Af-soomaaliga, halka qaar kale aanay u muuqanin in halistaasi jirto.
Waxaa barnaamijkan Faaqidaadda Toddobaadka ka qeybgalaya oo arrimahaasi ka dooddaya;
Guddoomiyaha cusub ee ururka PEN, Aadam Xasan Aadam
Abwaanka wayn ee Prof. Max'ed Xaashi Dhamac Gaariye oo macalin ka ah jaamacadda Hargeysa iyo Camuud.
Cabdilahi Sheekh Axmed Buux oo ah qoraa degan magaalada Diridhabe
Iyo Sagal Cabdiqaadir Axmed oo ka tirsan saxafiyiinta Djibouti.
Barnaamijkan oo uu C/salaam Hereri ku soo doobay Djibouti, wuxuu ka kooban yahay laba qeybood.
Qeybta Koowaad.
Qeybta Labaad

XS
SM
MD
LG