Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda iyo Michele "Amira" Ballarin.


Faaqidaadda iyo Michele "Amira" Ballarin.
Faaqidaadda iyo Michele "Amira" Ballarin.

Barnaamijka Faaqidaadda waxaan ku eegaynaa Michele "Amira" Ballarin oo ah haweenay Maraykan ah oo ku lug leh arrimaha Somalia.

Barnaamijka Faaqidaadda ee Toddobaadkan wuxuu ku saabsan yahay warbixin dheer oo aan ka diyaarinay haweenay Maraykan ah oo lagu magacaabo Michelle Lyn Golden Ballarin.

Haweenaydan oo si toos ah iyo si dadbanba ugu leh arrimaha Somalia ayaa waxay xiriiro kala duwan la leedahay madaxda Somalia.

Horraantii bishii Febraayo ee 2009, madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u magacaabay Michelle Ballarin inay noqoto La-taliyaha Xafiiska Madaxdweynaha ee Dib u Dhiska, Gargaarka Bani’aadminnmimo, Borotoolka iyo Gaarsiinta Dibedda. Waxa kaloo madaxweynuhu u saxiixay waraaqo kale oo ay ka mid tahay mid uu kaga codsanayo inay ka caawiso xiriir dhexmara madax ka tirsan dalka Faransiiska oo uu ku jiro Madaxweyne Nikola Zarkozy.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ma ahayn mas’uulkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee ay la kulanto Michelle Ballarin. Waxay horey ula soo kulantay Madaxweyne Cabdullaahi Yusuuf Axmed, Ra’iisul Wasaarae Nuur Xasan Xuseen, Madaxweynihi hore ee Somaliland Daahir Rayaal Kaahin, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo wasiirro iyo madax kale. Waxay kala hadashahay qorshe ay ugu magacdartay “Organic Solutions for Somalia, ama Xal Dabiici ah oo loo helo Soomaaliya”.

Barnaamijkan gaarka ah waxaan ku eegayaa danaha ay haweenaydaasi ka leedahay dawladda Soomaaliya, Somaliland, Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo budhcad badeedda.

XS
SM
MD
LG