Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda iyo Doorashooyinka Somaliland


Toddobaadkan barnaamijkan waxaan ku eegaynaa doorashooyinka Somaliland ee 26-ka bishan ka dhici doona guud ahaan Somaliland.

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxaan ku eegaynaa doorashooyinka Somaliland oo 26-ka bishan June ka bilaabmi doona guud ahaan Somaliland.

Hadaba barnaamijkan waxaa lagu falanqeynayaa qoddobada kala ah;

1-Doorashadani maxay kaga duwanaan doontaa doorashadii dhacday 2003-dii.

2-Xisbiga ku guuleysta doorashadu ma heli doonaan codka aqlabiyada.

3-Dadka Somaliland doorashada kadib maxay ka filan doonaan beesha caalamka.

Waxaa hadaba dhamaan qoddobadaasi iyo kuwo kale ka dooddaya aqoonyahannada kala ah;

1-Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ah guddoomiyaha hay'adda Candle Light

2-Xuseen Bulxan oo ah guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa

3-C/dir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo xubin ka ah gollaha wakiilada Somaliland

4-Faysal Cali sheekh Maxamed oo ahaa saxafi.

Barnaamijkan oo toddobaadkan idinkaga imanaya magaalada Hargeysa, waxaa soo diyaarisay Weriyaha VOA Hargeysa Sahra Ciidle Nuur.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso barnaamijka oo buuxa.

XS
SM
MD
LG