Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Cudurka Duumada


Faaqidaadda: Cudurka Duumada
Faaqidaadda: Cudurka Duumada

Barnaamijka waxaan todobaadkan ku falanqeynayaa cudurka duumada, waxyaabaha dhaliya iyo sida looga hortagi karo.

Todobaadkan waxaa barnaamijkan lagu falanqeynayaa cudurka duumada oo ah cudur dilaa ah.

25-ka bishan April ayaa caalamku u qoondeeyay inay tahay maalinta duumada caalamka.

Cudurkan duumadda oo uu keeno dulin ay kaneecadu xanbaarto ayaa waxaa sanad walba u dhinta dad gaaraya hal million oo qof, dhimashada ugu badana waxay ka dhacdaa wadamada saxaraha ka hooseeya.

Barnaamijkan waxaad ku maqlaysaan warbixin ka hadlaysa saamaynta cudurka duumada ee dalka Kenya.

Dr. Cabdi C/laahi Cali oo ah madaxa mashaariicda cudurka duumada ee Somaliland ayaa wuxuu ka warbixinayaa waxyaabaha dhaliyay cudurkan duumada iyo sida looga hortagi karo.

XS
SM
MD
LG