Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Ciidamada lagu biirinayo AMISOM


Faaqidaadda: Ciidamada lagu biirinayo AMISOM
Faaqidaadda: Ciidamada lagu biirinayo AMISOM

Barnaamijku wuxuu toddobaadkan ku saabsan yahay ciidamada ka socda Afrika ee loo dirayo Somalia. Maxay ciidamadani soo kordhin karaan?

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxaan ku falanqeynaynaa ciidamada dheeraadka ah ee qaar ka tirsan dalalka Africa ay ku yabooheen in loo dirayo Somalia. Midowga Africa ayaa magaalada Kampala uga dhawaaqay in dalka Guinea uu yaboohay ciidamo gaadhaya 850 askari loo diro Somalia, sidoo kale Djibouti iyo dalal kale oo African ah ayaa iyagu sheegay inay diyaar la yihiiin ciidamo lagu biiriyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Haddaba ciidamadan maxay ka baddali karaan xaaladda Somalia? Su'aashaasi iyo su'aallo kale ayaan ku falanqeynaynaa barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxaana ka qeybgalaya;

Wasiirka Warfaafinta ee DKMG Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo Dubai jooga, General Jaamac Maxamed Qaalib, Guddoomiye-kuxigeenka Isbahaysiga Dib u xoreynta oo Asmara Jooga iyo General Cismaan Xaaji Cumar Faalko oo ka mid ahaa hoggaankii sare ee ciidamadii bileyska Soomaaliyeed oo haatan ku sugan London.

XS
SM
MD
LG