Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barn. Faaqidaadda: Ansixinta Dasruurka.


Toddobaad keliya ayaa inaga xigta waqtigii loo qabtay inay fadhiistaan ergadii ansixin lahayd dastuurka qabyo qoraalka, iyadoo weli ay jiraan qodobo ka mid ah oo muran ka taagan yahay? Haddaba nuqulkan horyaalla madaxda dhaqanka ma yahay midka ay tahay in la ansixiyo, qaabkee ayaase loo marayaa ansixinta dastuurka. Su’aalahaas iyo kuwo kalaba waxa lafa guraya oo barnaamijka faaqidaadda marti ku ah Wasiir Ku Xigeenka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux, Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Madaxbannaaan ee Dastuurka Cabdullaahi Xasan Jaamac, Madaxweynihii hore ee Galmudug Ambassador Maxamed Warsame Kiimiko iyo Guddoomiayaha Odayaasha Dhaqnaka Muqdishu Maxamed Xasan Xaad.

Barnaamijka oo dhameystiran ka dhageyso qaybta hoose.

XS
SM
MD
LG