Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda Toddobaadka & Is-casilaadda Wasiirrada


Faaqidaadda Toddobaadka & Is-casilaadda Wasiirrada
Faaqidaadda Toddobaadka & Is-casilaadda Wasiirrada

Sidee loo fasiran karaa is-casilaadda ay sameeyeen afar wasiirk oo ka tirsan xukuumadda ra'iisul wasaare Cumar C/rashid Sharma'arke?

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyey is-casilaadii afar wasiir oo ka tirsan xukuumadda ra'iisul wasaare Cumar C/rashid Sharma'arke. Waxaa jira dad qaba in is-casilaaddu ay aheyd tallaabo lagu wiiqayo, laguna legdayo ra'iisul wasaaraha, kaddib markii lagu guuleysan waayay in si dastuuri ah jagada looga qaado.

Shakigaas waxaa sii xoojiyey qaar kamid ah wasiirrada is-casilay oo aad isugu dhawaayeen madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Axmed.

Laakiin waxaa jira dad kale oo badan oo qaba inuusan shakigaasi jirin, iyo in sababta rasmiga ah ee ay isku casileen wasiirradu ay tahay, sida iyaguba ay sheegeen, wax qabad la'aan ragaadiyey xukuumadda Sharma'arke iyo guud ahaan DKMG ah ee Somalia.

Qodobbadaas iyo kaleba waxaa isla gorfeynaya saddex aqoonyahan oo kala ah:

1. Faadumo Awoow, oo ah aqoonyahan ku nool Canada

2. Prof. Yaxye Sheikh Caamir oo Kampala jooga

3. Prof. Xuseen Warsame oo macallin ah Jaamacadda Calgary ee Canada.

XS
SM
MD
LG