Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda Toddobaadka: Khilaafka Baarlamaanka


Faaqidaadda Toddobaadka: Khilaafka Baarlamaanka
Faaqidaadda Toddobaadka: Khilaafka Baarlamaanka

Waxaa cirka isku shareeray xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Golaha Baarlamaanka Somalia, iyadoo mudanayaal badani ay ku doodayaan inuu wakhtigii ka dhammaaday guddoonka baarlamaanka Somalia, halka guddoonkuna uu beeninayo arrintaas.

Dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa cirka isku shareertay xiisad ka dhex aloosan Golaha Baarlamaanka Somalia. Inkastoo ay xiisaddaas u egtahay mid siyaasadeed, haddana mudanayaal fara badan oo tiradooda ku sheegay inay kor u dhaafeyso 300 oo xildhibaan, ayaa ku doodaya in xiisaddu ay tahay mid sharci ah, oo ay ku saleysan tahay xilligii guddoonka baarlamaanka oo dhammaaday lix bilood kahor.

Laakiin waxaa jira mudanayaal kale, oo la safan guddoonka, oo ku doodaya in xiisaddu ay leedahay astaamihii siyaasadda, waxayna ku doodayaan in wasiirro awood badan ku dhex leh DKMG ah ay hoosta ka hurinayaan xurgufta kala irdheysay golaha baarlmaanka.

Labadaas aragti ee is-burinaya ayaa udub-dhexaad u noqonaya barnaamijkeenna Faaqidaadda Toddobaadka, waxaana igala qeyb galaya:

  1. Prof. Max’ed Cumar Dalxa, guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha baarlamaanka Somalia, oo isagu qaba in xiisaddu ay tahay mid siyaasadeed. Wuxuu jooga magaalada Muqdisho.
  2. Xildhibaan Ibrahim Isaaq Yarow, oo kamid ah mudanayaasha ku doodaya inay xiisaddu tahay mid dastuuri ah, oo uu guddoonkii baarlamaanka xilligisii sharciga ahaa dhammaaday. Isaguna wuxuu joogaa Muqdisho.
  3. Iyo, Cadde Xasan Cali (Cadde Gaabow), oo ah guddoomiyihii hore ee gobolka Banadir, haatanna ku sugan gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka.
XS
SM
MD
LG