Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda Toddobaadka: Isbeddelka Dastuurka


Madoobe Nunow, wasiirka dastuurka DKMG ah
Madoobe Nunow, wasiirka dastuurka DKMG ah

Guddi madax-bannaan oo loo saaray inuu soo qoro dastuur joogto ah oo ay yeelato Somalia ayaa dhawaan soo afjaray wajiga koobaad ee howlihiisii. Maxaa u qabsoomay guddiga illaa haatan?

Toddobaadkii hore, waxaa magaalada Djibouti lagu soo gabagabeeyey wajiga koobaad ee geeddi-socod la doonayo in dastuur joogto ah loogu sameeyo dalka Somalia, si markaas looga gudbo Axdi Qarameedka KMG ah, oo soo jiray tan dhismihii DKMG ah, sanadkii 2004-ta. Dowladdii kasii horreysay ee iyana lagu soo yagleelay degmada Carta ee dalka Djibouti, ayaa iyana laheyd Axdi kale, oo isna KMG ahaa.

Dadaalka hadda la doonayo in Somalia loogu sameeyo dastuur joogto ah, waxaa hoggaaminaya Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dastuurka Qaranka, kaas oo ka kooban 30 xubnood.

Haddaba, barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadkan, waxaan ku gorfeyneynaa su’aalo ay kamid yihiin: yaa magacaabay guddiga, muxuuse illaa haatan qabtay? Xilligan ay colaadaha iyo abaaruhu ragaadiyeen dalka, ma yahay mid ku habboon in dastuur la isku mashquuliyo? Xaggee ayuu dastuurkani ka hirgali doonaa? Shacabka Soomaaliyeed ma laga wacyi galiyey isbeddelka dastuurka? Dastuurkani ma Islaami baa mise ma ahan?

Su’aalahaas, iyo kuwa kale oo fara badan, waxaa ila faaqidaya: guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka qaranka, C/llahi Xasan Jaamac, oo ku sugan magaalada Nairobi.

C/raxman Macallin C/llahi (Badiyow), oo ah khabiir ku takhasusay taariikhda dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah, horena la taliye ugu ahaa guddigii Carta ku qoray Axdigii dowladdii Carta.

Iyo, C/waaxid Sheikh Cusmaan, oo ah sharci-yaqaan ku takhasusay is-barbar dhig sharciyada caalamiga ah iyo Shareecada Islaamka, isla markaana macallin ka ah Jaamacadda Minnesota.

Ugu horreyntiiba, waxaan su’aasha ugu horreysa weydiiyey guddoomiye C/llahi Xasan Jaamac, anigoo weydiiyey bal inuu sharraxaad ka bixiyo waxa uu yahay guddigiisa, iyo illaa haatan waxa u qabsoomay

XS
SM
MD
LG