Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda iyo Go'aanka IGAD


Maxbuub Macallin, xoghayaha guud ee IGAD
Maxbuub Macallin, xoghayaha guud ee IGAD

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxaan ku gorfeyneynaa go'aanka uu ururka IGAD ciidamo dheeraad ah ugu diyaro dalka Soomaaliya, iyo saameynta uu go'aankaasi yeelan karo.

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxaan ku gorfeyneynaa go'aanka uu ururka IGAD ciidamo dheeraad ah ugu diyaro dalka Soomaaliya, iyo saameynta uu go'aankaasi yeelan karo. Qodobbada sida gaarka ah looga doodayo barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxaa kamid ah: suurta-galnimada in ciidamo dalka Ethiopia ay dib ugu soo laaban karo Soomaaliya.

Urur-goboleedka IGAD ayaa horraantii toddobaadkan, kulan aan caadi aheyn, oo uu ku yeeshay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa, wuxuu yaboohay inuu 2,000 oo askari oo degdeg ah oo ku kabi doono howlgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Sidoo kale, hoggaamiyayaasha IGAD ayaa isku raacay in 20,000 (labaatan kun) oo askari loo dalbo Soomaaliya, si dib loogu soo yagleelo dowladnimadii Soomaaliya ee bohosha ku dhacday 20 sano kahor.

Go'aammada IGAD ayaa walaac ku dhaliyay qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed, oo shaki iyo tuhun ka qaba in dalalka dariska, gaar ahaan Ethiopia, inay dib ugu soo rogaal-celinayaa dalka Soomaaliya.

Aqoonyahannada ka qeyb galaya barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxay kala yihiin:

1. Prof. Xuseen Warsame, oo macallin ka ah Jaamacadda Calgary ee dalka Canada

2. Prof. C/wahaab Sheikh C/samad, oo macallin ka ah Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya

3. Max'ed Muuse Guuleed oo ah aqoonyahan ku nool magaalada Hague dalka Netherlands.

XS
SM
MD
LG