Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Marxaladihii Diinta iyo Kaalinta Culimada


Marxaladihii Diinta iyo Kaalinta Culimada
Marxaladihii Diinta iyo Kaalinta Culimada

Barnaamijkan waxaan ku eegaynaa kaalinta culimada Soomaaliyeed ay ka ciyaareen halgankii gobannimo-doonka iyo waliba 50-kii sanno ee xorriyadda Somalia. http://media.voanews.com/images/somali-prmo-480.jpg --> http://www1.voanews.com/somali/news/special-reports/politics/50-guurada-Xornimada-Soomaaliya-97493799.html

Barnaamijkan waxaa ku eegeynaa kaalinta ay Diinta Islaamka, iyo dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee Somalia ka ciyaareen, kontonkii sano ee lasoo dhaafay.

Doorka ay 50-kii sano ee lasoo dhaafay ciyaareen dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee Somalia, oo mararka qaarkiiis loogu yeero Baraarugga Islaamiga ah ee Somalia, waxay aheyd mid si weyn uga dhex muuqata qeybaha kala duwan ee bulshada, haba ugu sii darnaatee 20-kii sano ee lasoo dhaafay, oo ururrada Islaamigu ay marar badan safka hore ka galeen colaadda dalka.

Mowduucaas waxaa gorfeynaya saddex sheekh oo iyagu usoo joogay doorkii dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee Somalia. Saddexdaas sheikh waxay kala yihiin:

  1. 1. Sheikh Nuur Baaruud Gurxan, oo haatan ku sugan dalka Sudan
  2. 2. Sheikh Axmed Cabdi Dhicisow, oo ku sugan magaalada Muqdisho
  3. 3. Iyo Dr. Axmed Xaaji C/raxman, oo kamid ah barayaasha jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso.

Su’aasha ugu horreysa ee aan dhex dhignay waxay aheyd: bal inay ka warramaan doorka ay culimaa’iddiinku ku lahaayeen bulshada Soomaaliyeed, kontonkii sano ee lasoo dhaafay.

XS
SM
MD
LG