Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faafaahin: Socdaalka Madaxweynaha ee Italy


Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka Talyaaniga ka qeyb galaya carwo weyn oo dalal badan oo dunida ka tirsan ay qeyb ka yihiin.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka Talyaaniga ka qeyb galaya carwo weyn oo dalal badan oo dunida ka tirsan ay qeyb ka yihiin.

Si gaar ah, ayaa maanta waxaa furitaanka carwadaas looga hadli doonaa arrimaha Soomaaliya.

Carwadan ayaa lagu soo bandhigi doonaa fursadaha maalgashi ee dalalkaas dunida ka jira, iyada oo badhig ku saabsan dalka Soomaaliyana uu maanta dhacayo.

Bandhigga maanta oo loogu magac daray maal-gashiga Soomaaliya, ayaa shirkadaha iyo dalalka caalamka ay uga hadli doonaan qaabka ugu haboon ee loo maal gashan karo Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa kadib furitaanka carwadaas la kulmi doona madaxda dalka Talyaaniga oo uu si gaar ah ugala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Haddaba, faahfaahinta carwadan iyo kulamada madaxweynaha Soomaaliya la filayo inuu la yeeshe madaxda Talyaaniga ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka waresytay Daa’uud Aweys oo ah afhayeenka Madaxtooyada Somalia.

Socdaalka Madaxweynaha ee Italy
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:42 0:00

XS
SM
MD
LG