Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka dhacay deegaanka Masale-Adduun Ee Gobolka Gedo


Sawir hore
Sawir hore

Ugu yaraan lix qof ka tirsanaa dhinacayadii dirirtu dhexmaratay ayaa ku dhimatay tiro kalan way ku dhaawacmeen kaddib markii uu maanta dagaal ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-shabaab uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Masale-Adduun oo ku yaalla gobolka Gedo.

Deegaanka Masalle-Adduun ayaa dhowr iyo laabtan KM u jira magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee uu dhowaan magacaabay maamulka Jubbaland Axmed Buule Maxamed (Canjeex) ayaa VOA u sheegay in dagaalkan ay qaadeen ciidamada dowladdu kuwaasoo uu sheegay in ay maleeshiyada Alshabaab kala soo wareegeen xoolo ay horay uga qaateen dadka ku nool deegaankaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhankooda dagaalkaasi ay uga dhinteen labo askari oo mid ka mid ah uu ahaa saraalkii hoggaamiyey ciidanka weerarka qaaday, askari kalana uu uga dhaawacmay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xoolo ay ciidanku kala soo wareegeen maleeshiyada Alshabaab dib loogu celin doono dadkii xoolahaasi horay ay Alshabaab xoogga uga soo qaadatay.

Warar madax-bannaan oo ay VOA heshay ayaa sheegaya in dagaalkaasi kaddib maleeshiyada Alshabaab ay weerar gaadmo ah ku qaaday gaari ay wateen ciidamada dowladda oo u socoday deegaanka uu dagaalku ka dhacay oo ay halkaasi ku dhinteen afar ka tirsanaa ciidamada dowladda.

XS
SM
MD
LG