Isku xirrada

Faafaahin: Weerarkii Shabaab ee Qoryooley


Ciidamo dhex socda degmada Qoryooley

Ciidamo dhex socda degmada Qoryooley

Warar iyo faahfahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana ka wareysanay guddoomiyaha Shabeellada Hoose C/Qaadir Maxamed Nuur Siidii.

Warar iyo faahfahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarkan oo dhacay habeen hore isla markaana socday ilaa waabarigii ayaa ciidamada deegaanku ay ku gulaysteen inay iska caabiyaan kooxda weerarka soo qaaday.

Ciidamada Amisom oo horey u joogay degmada ayaa isaga baxay, taasi oo magaalada kusoo reebtay kaliya kuwa deegaanka, halkaasi oo iyaga iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen.

Maamulka gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay ka dileen 24 maleeshiyo, islamarkaana ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhankooda.

Weriyaheena Xuseen Barre Aadan ayaa faahfahinta arrintan ka waraystay guddoomiyaha Shabeellada Hoose C/Qaadir Maxamed Nuur Siidii.

XS
SM
MD
LG