Isku xirrada

War

Faah faahin ku saabsan Miisaaniyadda DKMG


Faah faahin ku saabsan Miisaaniyadda DKMG

Faah faahin ku saabsan Miisaaniyadda DKMG

Maxamed Cabdi Maxamed oo la shaqeeya hay'adda HESPI ayaa VOA u sheegay in miisaaniyaddan ay qeexayso mushaharka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Xukuumadda KMG ah ayaa dhowaan baarlamaanka federaalka horgeysay misaaniyadda ay ku shaqeyneyso ee 2011 ilaa 2012-ka, taasoo dhammeyd 100 milyan oo dollar. Xukuumadda waxaa dejinta miisaaniyadda gacan ka siisay hay’adda baaritaanka siyaasadda dhaqaale iyo horumarka bulshada ee Geeska Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo HESPI.

Maxamed Cabdi Maxamed oo xubin ka ah hay’adda HESPI, isla markaana ka ah ku xigeenka madaxa hay’adda dhaqaalaha ee Dowladda Hoose ee Washington DC ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay tahay mid taariikhi ah oo markii ugu horeysay ee Soomaaliya loo sameeyo.

Wuxuu sheegay in la dejiyay mushaharka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada, iyadoo kharashka soo galaya ee miisaaniyadda 30% la filayo in uu ka soo xaroodo goobaha ay dowladdu maamusho.

XS
SM
MD
LG