Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Ka Dhacay Gaalkacayo


Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay afar kalena way dhaawacantay kadib qarax ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalakacayo. Qaraxan ayaa lala beegsaday baabuur ay la socdeen macallimiin wax ka dhiga iskuul ku yaalla magaalada.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ilaalada iskuulka. Sidoo kale laba ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay yihiin macallimiin u dhalatay dalka Kenya.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino lagu aasay dhulka meel u dhow albaabka iskuulka, waxana uu qaraxu dhacay xilli ay macallimiintu sii galayeen iskuulka.

XS
SM
MD
LG