Isku xirrada

Saraakiil Iyo Xildhibaanno Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Muqdisho


Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya qarax clus uu ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdishu.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen ugu yaraan laba qarax iyo rasaas culus.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa ugu horreeya uu dhacay wax yar kadib markii martida huteelka ay dhammeeyeen tukashada salaadda Jimcaha.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la sheegayaa inay weerarka ku dhinteen. Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed Caano-Geel ayaa la xaiijiyey inuu ka mid yahay dadka ku dhintay weerarka sida uu idaacadda VOA u sheegay Af-hayeenka Amniga Qaasim Ahmed Rooble.

Waxaa kale oo weerarka ku dhintay laba ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka oo la kala yidhaahdo Maxamed Ducaale Xaaji iyo Cumar Cali Nuur "Furdug".

Ra'iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso faahfaahin iyo waraysiyo la xidiidha Qaraxan

XS
SM
MD
LG