Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Magaalada Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa VOA u sheegay in qarax ka dhacay magaalada Kismaayo gelinkii dambe ee Isniinta.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ku dhintay qof rayid ah, laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Sida ay goobjoogayaashu sheegeen qaraxa waxay u muuqatay in laga hagayey meel fog, waxaana lala bartilmaameedsaday baabuur ay wateen ciidamada amniga ee mamaulka Juba.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in ciidamada amnigu ay galeen xaafadda Shaqaalaha oo uu baabuurka la bartilmaameedsaday dhexmarayey markii la weeraray.

Dhowr qof ayaa la sheegay in la qabtay. Ilaa haddana ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

XS
SM
MD
LG