Isku xirrada

War

EU oo si Adag uga Hadashay Khilaafka TFG


EU oo si Adag uga Hadashay Khilaafka TFG

EU oo si Adag uga Hadashay Khilaafka TFG

Midowga Yurub ayaa sheegay inay ka doonayaan siyaasiyiinta Soomaalida inay aragti mideysan yeeshaan oo ay kula shaqeyn karaan.

Wakiilka gaarka ah ee Midowyga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Ergada Midowga Yurub ee fadhigoodu yahay Kenya u qaabilsan Hawlgallada Soomalaiya Georges-Marc Andre ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhacdadii Isniintii todobaadkan ka dhacday xarunta baarlamaanka.

Mr. Andre ayaa cambaareeyay gacan ka hadal uu sheegay in loo geystay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Wuxuu kaloo sheegay in Midowga Yurub ay ka fiisanayaan taageerada ay siiyaan dowladda KMG ah, haddii ay u muuqato inaysan wax natiijo ah ka soo baxayn.

Georges Andres oo wareysk gaar ah siiyay VOA-da ayaa sheegay in Midowga Yurub aysan faragelin doonin arrimaha go'aan qaadashada ee u gaarka ah Soomaalida.

XS
SM
MD
LG