Isku xirrada

War Deg-Deg ah

EU oo Cambaareysay Qaraxii Hotel Muna


EU oo Cambaareysay Qaraxii Hotel Muna
EU oo Cambaareysay Qaraxii Hotel Muna

Wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo Siyaasadda Katrine Ashton ayaa sheegtay in weerarkaasi uu yahay mid aan la aqbali karin.

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay Qaraxii shalay loo geystay Hotel Muna ee ku yaalla magaalada Muqdisho, kaasoo ay deganaayeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka.

Wakiilka Midoga Yurub ee arrimaha dibadda ee Siyaasadda Katrin Ashton ayaa ku tilmaamtay weerarkaasi mid aan la aqbali karin.

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub oo ka hadlay weerarkaasi ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay.

Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa iyaguna horey u soo saaray cambaareyn tan la mid ah oo ka dhan ah weerarkii kooxda al-Shabaab ay ku qaaday Hotel Muna.

XS
SM
MD
LG