Isku xirrada

War

EU: AMISOM Waa inay ka Hortagtaa Khaladaadkeeda.

  • Somali VOA

EU: AMISOM Waa inay ka Hortagtaa Khaladaadkeeda.

EU: AMISOM Waa inay ka Hortagtaa Khaladaadkeeda.

Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya George Marc Andre ayaa VOA-da u sheegay inaan la aqbali karin in shacabka la dhibaateeyo.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya isla markaana ah madaxa ergada Yurub ee fadhida dalka Kenya Georges Marc Andre oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatada soo gaareysa shacabka Soomaaliya isla markaana aan la aqbali karin in dadku ay si bilaa micno ah ugu dhintaan rabshadaha.

Mr. Andre ayaa sidoo kale ka hadlay dil dhowaan ay ciidamada AMISOM si bareer ah ugu geysteen shacab ku sugnaa magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay buu yiri in ciidamada nabad ilaalintu ay u fiirsadaan hawlgallada ay qaadayaan si looga hortago khaldaadka.

Ergaygu wuxuu kaloo sheegay in taageerada ay AMISOM ku bixiyaan ay ku dhowdahay 150 milyan oo Euro ah, taasoo muujineysa ayuu yiri taageeradooda Soomaaliya.

Ilaa 8,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika ayaa ka qeyb qaadanaya hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee loogu magac daray AMISOM.

XS
SM
MD
LG