Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia:Weerar Ayaan Ka Fulinay Gudaha Eritrea


Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay weerar ku qaadeen saldhigyo military oo ku yaala dalka ay iska soo horjeedaan ee Eritrea, weerarkaas oo ay Ethiopia ku tilmaantay mid aargudasha ah.

Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia oo la yirahdo Shimeles Kemal ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay ilaa iyo 16 KM gudaha u galeen gelinkii hore ee arbacadii, iyagoo ku qaaday waxa uu ugu yeeray weerar ku dhamaaday guul, oo ay ciidamadu ku qaadeen laba saldhig oo koox mucaarad ku ah Ethiopia ay Eriteria gudaheeda ku lahaayeen.

Waxa uu sheegay in kooxdaasi ay meesha ku ogeyd dowladda Eritrea, oo ay horeyna weeraro uga fuliyeen Gudaha Ethiopia.

Shimeles, oo ku hadlayay wariyeyaasha magaalada Adis Ababa, ayaa sheegay in wax dagaal ah uusan dhex marin ciidamada Ethiopia iyo Eritrea, hase yeeshee faahfaahin intaa dhaafsiinsan kama uusan bixin sida uu u dhacay howlgalka.

Diplomaasi ka tirsan Eritrea oo ay VOAda Xiriir la sameeysay ayaa sheegay inuusan jawaab ka bixineyn waxa dhacay.

Dowladda Mareykanka ayaa ku boorisay labada dhinac, inay muujiyaan dulqaad. Afhayeen u hadashay wasaarada arimaha dibadda ee Mareykanka Victoria Nuland ayaa sheegtay in Xukumadda Washington ay ka dooneyso Ethiopia inay soo cadeyso howlgalkaasi iyo waxa ay kaga dan laheyd.

XS
SM
MD
LG