Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo Xirtay Xildhibaan Barre Hiiraale


Ethiopia oo Xirtay Xildhibaan Barre Hiiraale
Ethiopia oo Xirtay Xildhibaan Barre Hiiraale

Xildhibaan Barre Hiiraale waxa uu in muddo ah ku sugnaa degmada Doolow ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu iminka ku xiran yahay.

Wasiirkii hore ee gaashaan dhigga ee dowladda KMG ah, Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa muddo saddex todobaad ah ku xiran degmada Doolow ee dalka Itoobiya.

Xildhibaanka waxaa la sheegay inay xireen ciidamada Itoobiya, ka dib markii uu muran soo kala dhex galay isaga iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Itoobiya, kaasoo la xiriiray dagaalada ka socda gobolka Gedo oo ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Ahlu-sunna waljamaaca ay qabsadeen.

Barre Hiiraale ayaa labadii sano ee u dambeysay ku sugnaa degmada Doolow, halkaasoo tababar lagu siinayay ciidamo uu watay, si ay ula dagaalamaan kooxda al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG