Isku xirrada

War Deg-Deg ah

20 Qof oo ku Dhintay Dagaalo ka Socda Galgaduud


Dagaal Culus oo Dhuuse-mareeb ka Dhacay
Dagaal Culus oo Dhuuse-mareeb ka Dhacay

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen tiro intaa ka baddanna ay ku dhaawacmeen dagaallo maalmahan ka dhacayey deegaano 45 km dhinaca galbeed ka xiga degmada Ceel-buur ee Gobolka Galguduud.

Dagaaladan ayaa la sheegay inay dhex marayaan laba maleeshiyo beeleed oo iska soo horjeeda.

Maamulka ayaa ka digay halista dagaaladaas ka dhallan karta ee dhinaca bani aadnimada iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah.

Dagaalkii ugu dambeeyay oo maanta ka dhacay deegaankaas waxaa ku dhintay 7 qof, 18 kalena wey ku dhaawacmeen sida uu VOA-da u sheegay gudoomiyaha degmada Ceel-buur Col. Nuur Xassan Guutaale.

Col. Guutaale ayaa ku eedeeyay maleeshiyada ururka al-Shabab inay ka dambeeyaan dagaaladan oo dadka deegaanka ay iska hor keenayaan.

XS
SM
MD
LG