Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia:Meles Wuu Xanuunsanyahay Masa Darna


Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in Ra’isul wasaaraha dalkaasi Meles Zenawi uu ku maqanyahay fasax uu u qaatay xanuun haya, balse uu sii heyn doono awoodda dalkaasi, inta uu iska soo daweynayo xanuun aan la carabaabin

Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia Bereket Simon oo si kooban kula hadlayay warbaahinta qamiistii shalay magaalada Addis Ababa , ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta qaar oo sheegayay in uu aad ugu xanuunsanayo cusbitalka Saint Luc Hospital ee Brussels, dalka Beljiimka.

Bereket Simon waxa uu si gaar ah u beeniyay warar lagu qoray baraha intenetka ee mucaaradka Ethiopia oo sheegayay in Ra’isul Wasaare Meles uu la xanuunsanayo cudurka Kansarka oo maskaxda kaga dhacay.

Afhayeenka ma uusan sheegin nooca uu yahay xanuunka haya Ra’isul Wasaaraha iyo meesha lagu daweeynayo midna, laakiin waxa uu sheegay in xaaladiisu ay wanaagsantahay oo welina uu hayo maamulka dowladda.

Halkan hoose ee Qorlaakan ka dhageyso wareysi ay VOAda la yeelatay Ambasaddor David Shinn, oo horey u soo noqday Safiirkii hore ee mareykanka ee Ethiopia, haatanna ah Professor Arimaha Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda George Washington.

XS
SM
MD
LG