Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia iyo Eritrea oo Isku Eedeynaya Dagaalkii Xuduudda


Bidix: Wasiirka isgaarsiina Ethiopia Getachew Reda iyo safiirka Eritrea ee QM Girma Asmerom.
Bidix: Wasiirka isgaarsiina Ethiopia Getachew Reda iyo safiirka Eritrea ee QM Girma Asmerom.

Ethiopia iyo Eritrea ayaa midba midka kale ku eedeynaya iska horimaad ka dhacay xuduudda oo dib u huriyey xiisaddii ka dhex oogneyd labadan dal ee ku yaalla Bariga Afrika, islamarkaana sababay khasaare aan la ogeyn.

Labada dhinacba waxa ay sheegteen inay ku gacan sareeyaan dagaalka oo Axaddii iyo Isniintii ka dhacay magaalada xududda Eritrea ku taalla ee Tsorona, oo ah magaaladii dhalisay dagaaalkii weynaa ee labada dal dhex maray 1998-kii illaa 2000.

Eritrea waxa ay sheegtay inay iska caabisay weerar kaga yimid Ethiopia, islamarkaana ay gaarsiisay khasaare xooggan, halka Ethiopia ay sheegtay in ciidamadeeda ay wiiqeen awoodda Eritrea ay ku billaabi karto weeraro cusub.

Labada dalba ma aysan sheegin khasaraaha dhimashada iyo dhaawaca ee dagaalka ka dhashay.

Isaga oo shalay ka hadlayey magaalada Addis-Ababa ayaa wasiirka isgaarsiinta Ethiopia Getachew Reda, waxa u sheegay in dagaalka uu istaagay Isniintii, Ethiopia-na ay kasoo baxday goobta lagu dagaalamay “Markii aan hadafkeena ku guuleysanay”.

Safiirka Eritrea ee QM Girma Asmerom ayaa ka codsaday golaha ammaanka ee QM inuu cambaareeyo “Weerarka ka yimid Ethiopia”.

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay isku dhaca labada dal, waxayna labada dhinac ugu baaqday inay is xakameeyaan.

XS
SM
MD
LG