Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo ku Biiraysa Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab


Isbahaysi ay u badan yihiin waddamada Bariga Afrika ayaa diyaarinaya hawlgal milatari oo ay ku burburinayaan ururka Al-Shabab ee la dagaalamaya dawladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa socda dadaalo uu riixayo urur goboleedka IGAD. saraakiil Gobolka ah ayaa sheegay in laga yaabo in ciidamada Ethiopia ay dib ugu noqdaan Somaliya

Shirar iyo dhaqdhaqaaqyo arintaasi sii xoogjinayana waxay toddobaadyadii ugu dambeeyay ka socdeen Nairbi iyo Adis Abbaba

Saraakiisha Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay qorshaynayso inay ku biirto gulufka milatari ee ka dhanka ah ururka Al-Shabab ee Soomaaliya.

Saraakiisha midowga Afrika ayaa sheegay in Ciidamada Dawladda Itoobiya ay doonayaan inay ka mid noqdaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Itoobiya Dina Mufti ayaa sheegay in xukuumadda Addis Ababa ay sidii kasta ee suurtogal ah u caaiwn doonto hawlgalka Gobolka.

Dina waxa uu sheegay in doorka Itoobiya ee gulufkaasi lagu dhowaaqi doono toddobaadka damabe, wuxuna sheegya in Itoobiya ay qeyb ka noqonayso isbahaysi sal-ballaaran oo ka dhan ah halista al-shabab ee gobolka.

Wareysi sheekadaasi ku saabsan halkan hoose ka dhageeyso

XS
SM
MD
LG