Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Eritrea: Ethiopia Waxay Qorsheeneysaa Dagaal Buuxa


Girma Asmerom
Girma Asmerom

Dowladda Eritrea ayaa u sheegtay golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM in dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia uu qorsheynayo dagaal buux oo uu kusoo qaado dhulka Eritrea.

Ciidamada Eritrea iyo Ethiopia ayaa dhowaan waxa uu isku dhac ku dhex maray xududda labada dal.

Labada dal ayaa midba midka kale waxa uu ku eedeynayaa inuu billaabay dagaalka oo ka dhacay deegaanka Tserona, oo dhinaca koonfureed kaga beegan caasimadda Eritrea ee Asmara.

Wakiilka Eritrea ee QM Girma Asmerom Tesfay ayaa sheegay inay jirto caddeyn buuxda oo muujineysa in Ethiopia ay qaadatay siyaasad cadaawadeed oo ku wajahan Eritrea.

“Caddeyntu waxa ay tahay hadalkii dowladda Ethiopia ay ka sameysay baarlamanka dalkaas, islamarkaana saraakiil sare oo Ethiopian ah ayaa waxa ay sheegayeen inay weerarayaan Eritrea, oo ay beddeleen siyaasadoodii hore, ayna doonayaan inay beddelaan taliska Amsara” ayuu safiir Asmerom u sheegay VOA.

Waxa uu sheegay in iska horimaadkii 12-kii June uu caddeyn u yahay in Ethiopia ay dooneyso inay beeddesho taliska Eritrea, islamarkaana ay qabsato dalkaas.

Dowladda Eritrea ayaa sidoo kale ku eedeysay Mareykanka inuu ku lug lee yahay arrintan.

XS
SM
MD
LG