Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mursi oo Guul Sheegtay


Mideast Egypt Election
Mideast Egypt Election

Ururka IKhwaanulMuslimiinta Dalka Masar ayaa sheegay in musharaxooda Moxamed Mursi uu ku guuleystay wareegii ugu dambeeyay ee dorashadii madaxtinimo ee dalkaasi, iyadoo dhinaca kale milatariga dalkaasi gacanta ku hayay tan iyo markii la riday xukumadii Xusni Mubarak ay soo saareen dastuur ku meel gaar ah oo awooda si buuxda iyaga gacanta ugu gelinaya, ka dib markii maxkamadda dastuuriga ay dhawaan kala dirtay baarlamankii dalkaasi ee ay kooxda muslimiinta ku xooganaayeen.

Ururka Ikhwanul Muslimiinta ayaa ku dhawaaqay saakay oo isniin ah in Mohamed Morsi uu ka adkaaday Ahmed Shafiq, oo ah ra;isul wasaarihii ugu dambeeyay ee xukumadii Xusni Mubarak kaasoo ay taageerayaashiisu sidoo kale sheegeen inuu hogaaminayay tirinta codadka doorashada , ka dib markii ay goobaha cod bixintu soo xirmeen habeenkii Axadda.

Kooxda Ikhwanul Muslimiinta ayaa ka digtay iney dibad baxyo dhigayaan hadii lagu dhawaaqo in Mr. Shafiq – uu yahay kan guuleystay.

XS
SM
MD
LG