Isku xirrada

War

Mudaaraadyo Mar kale ka Dhacay Masar


Mudaaraadyo Mar kale ka Dhacay Masar

Mudaaraadyo Mar kale ka Dhacay Masar

Kumanaan Dadka reer masar ah ayaa socod ku tagay dhismaha Wasaradda Difaaca ee Magaalada Qaahira jimcihii shalay, si ey uga dalbadaan hogaamiyeyaasha Milatariga ee dalkaasi inay awoodda iska wareejiyaan.

Dibad baxyada ashtakada ah ayaa ku soo beegmay maalin ka hor xilli ay dadka u dhaq dhaqaaqa demuquraadiyadda Suuriya ay qorsheeynayeen inay ku xusaan sanad guurada, waqtigii xukunka laga tuuray Madaxweynahii hore ee Masar Hosni Mubarak, banaan baxyo iyo shaqo joojin.

War laga aqriyay TVga dowladda, ayey golaha sare ee ciidmada Qalabka sida, ee awoodda dalkaasi la wareegay, markii uu xukunka ka deggan Mubarak, ayaa sheegay in cadadaadiska lagu hayo, iyo hanjabaadda dartood aysan ku qabsbeyn inay dedejiyaan xukunka oo lagu wareejiyo aysan u aaba yeelen hanjabaad iyo cadaadiska lagu hayo si awoodda ay deg deg ugu wareejiyaan xukumad rayid ah.

Golohu waxuu kaloo sheegay in Masar ay bartilmaameed u tahay shir qoolo ku wajahan sidii loo abuuri lahaa xasilooni darri, hase yeeshee carabka kuma uusan dhufan cidda ka dambeeysa shirqoolada.

XS
SM
MD
LG