Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Loo Heysto Weerarkii Bangkok oo lagu Xiray Malaysia


Masuuliyiinta Malasia ayaa sheegaya inay xireen sadex qof oo lala xiriirinayo qaraxyadii bambaabo ee ay dadka badan ku dhinteen ee bishii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Bangkok ee caasimadda Thailand.

Khalid Abu Bakar, madaxa ciidamada Booliska ee Malaysia ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kuala Lumpur maanta oo Isniin ah waxa uu ku sheegay in boolisku ay soo qabteen, nin u dhashay Pakistan iyo laba qof oo reer Malasia ah oo ay midi dumar tahay oo lala xiriirinayo qaraxyadii Bangkok,isagoo intaa ku daray in Malasia aysan qorshaha ugu jirin in sadexdaasi qof ku wareejiso Thailand.

Mr. Bakar ayaa sheegay in booliska Malaysia ay si dhow ugala shaqeynayeen Thailand baarista la xiriirta Qaraxii 17kii bisii August ee la soo dhaafay ka dhacay Macbadka Erawan ee caasimadda Thailand, kaasoo ay ku dhinteen 20 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaa oo uu badnaa dalxiisayaal Shiinaha u dhashay.

XS
SM
MD
LG