Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuwait oo Dil ku Xukuntay 7 Ruux


Maxkamad ku taalla Kuwait, ayaa dil ku xukuntay Talaadadii, illaa iyo toddobo ruux oo loo heystey inay ka dambeeyeen weerarkii bishii June lagu qaaday masjid ay Shiicadu ku dukadaan oo ku yaalla magaalada Kuwait, halkaas oo ay ku dhinteen 29 ruux ayna ku dhaawacmeen 227 kale.

Tiro 29 ruux gaareysa, ayaa maxkamad lasoo hor istaajiyay, kuwaas oo ku eedeysanaa dhammaantooda ku lug lahaanshiyaha weerarkii masjidka Imaam Saddiiq ee magaalada Kuwait, waxana maxkamaddu ay sidoo kale ku xukuntay siddeed ka mid ah dadkaasi xabsi u dhaxeeeya laba illaa iyo 15 sano, halka 14 kalena lagu waayay wax dambi ah.

Dadka la xakumay, ayaa isugu jira Sacuudiyaan, Kuweytiyaan iyo Bakistaaniyiin.

XS
SM
MD
LG