Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaantii Irene oo Khasaaraheedii sii Wadda


Duufaantii Irene oo Khasaaraheedii sii Wadda
Duufaantii Irene oo Khasaaraheedii sii Wadda

Duufaantan ayaa ilaa iyo hadda dishay siddeed ruux, iyada oo curyaamisay gaadiidkii dhulka iyo cirka labadaba, waxayna kusii socotaa gobolada woqooyi-bari ee Maraykanka inta ayna u gudbin dalka Canada.

Duufaanta Irene ayaa maanta oo Axad ah wali sii wadda dhibtii ay ku haysay xeebta bari ee dalka Maraykanka, iyada oo roobab xoog badan iyo dabaylo wadata. Duufaantan ayaa ilaa iyo hadda dishay siddeed ruux waxayna curyaamisay gaadiidkii dhulka iyo cirka labadaba.


Xarunta Duufaanada Qaranka ayaa sheegtay in duufaanta Irene ay kusii dhawaanayso magaalada New York iyadoo wadata dabaylo xawaarahoodu yahay 120km saacaddii. Culimada Hawada saadaalisa ayaa sheegay in dabaqyada sarsare ee guryaha dhaadheer ee magaalada New York ay dareemi doonaan xoogga dabeysha in ka badan inta ay dabaqyada hoose dareemayaan.

XS
SM
MD
LG