Isku xirrada

War

Duqeynta Libya Maxay Salka Ku haysaa?


Duqeynta Libya Maxay Salka Ku haysaa?

Duqeynta Libya Maxay Salka Ku haysaa?

Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in qaraarkii Zoon ka Caagan Duulimaadka ee Qaramada Midoobay uu xadkiisa ka gudbay.

Xulufada reer Galbeedka ayaa weli duqeyn cirka ah ku haya dalka Liibiya, taasoo ay sheegeen inay dowladda Mucamar Qadaafi kaga ilaalinayaan waxyeelleynta Shacabka.

Duqeyn ayaa loo geystay dhisme uu qadaafi ku lahaa magaalada Tripoli, inkastoo Xulafadu ay sheegtay in bartilmaameedku uusan ahayn Qadaafi.

Hase yeeshee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in qaraarkii Qaramada Midoobay uu xadkiisii ka gudbay. Haddaba su’aasha laysweydiinayaa waxay tahay weerarka cirka ah ee lagu hayo Libya muxuu ku saleysan yahay.

Su’aashaasi yo su’aalo kalena ayaa Cabdulqaadir Maxamed Nuunow waxa uu weydiiyay Ustaad Cabdiraxmaan Macalim Cabdullaahi (Baadiyow) oo ah Korneyl horey uga tirsanaa ciidamada difaaca cirka ee Soomaaliya. Ustaad Baadiyow haatan waa madaxa guddiga Jaamacadda Muqdisho.

XS
SM
MD
LG