Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn ka Dhacday Deegaan u dhow Kismaayo


Duqeyn ka Dhacday Deegaan u dhow Kismaayo
Duqeyn ka Dhacday Deegaan u dhow Kismaayo

Qof dumar ah ayaa ku dhimatay markii Tuullo 80km u jirta magaalada Kismaayo ay duqeyn u geysteen diyaarado loo maleynayo in Kenya ay leedahay

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay galabta duqeeyeen meel 80 km u jirta magaalada Kismaayo.

Goob-joogayaal ayaa VOA u sheegay in duqeyntan lala beegsaday xero ciidan oo kooxda Al-shabab ay ku leedahay deeggaanka Buullo Xaaji oo koonfur galbeed kaga beegan Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa sidoo kale xaqiijiyay duqeynta iyagoo sheegay in albaabka hore ee xaruntooda ciidan uu gantaal haleelay.

Duqeyntan waxaa la sheeegaya inay ku dhimatay haweenay, halka nin kalena uu ku dhaawacmay.

Haweenayda dhimatay ayaa magaceeda lagu sheegay Subkan Cabdullaahi oo da’deena lagu qiyaasay 60- 65 jir.

Kenya ayaa ilaa hadda aan wax war ah ka soo saarin duqeynta galabta ay ku qaadeen deeggaan u dhow Kismaayo.

XS
SM
MD
LG