Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn loo Geystay Baar-dheere


Duqeyn loo Geystay Baar-dheere
Duqeyn loo Geystay Baar-dheere

Ugu yaraan qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday 2 kalena weey ku dhaawacmeen, kaddib diyaarado duqeeyn xoogan galabta u geystay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Diyaaradha ayaa duqeeynta la beegsadeen furin ku taalla meel u dhow dhismihii hore ee xarunta ADCda ee magaaladaasi.

Axmed Xaashi Cumar oo ka mid ah nabadoonada Baardheere ayaa sheegay in duqeyntu ay haleeshay dad rayid ah, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Kenya inay ka dambeeysay duqeeyntaasi. Inkasoo aaney jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya in weerarkaasi ay Kenya geeysatay.

Dhinaca kale goob joogayaal ku sugan magaalada Baardheere ayaa sheegay in duqeynta lagu bar tilmaameedsaday goob ay tabababaro ku qaadan jireen dagaalayahanada Al-Shabab.

Weli lama oga qasaaraha ka soo gaaray kooxda Alshabab duqeeyntaasi.

Dowladda Kenya oo ay ciidamo ka joogaan koonfurta Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-Shabab ayaa horey ugu hanjabtay inay weerari doonto ilaa iyo 10 magaalo oo ay Al-shabab gacanta ku heeyso. Waxayna duqeymo horey ugu geeysteen meelo ay ka mid ahaayeen degmada Jilib ee Jubadda dhexe, degaanka Ceelcade ee gobolka Gedo iyo dhowr meelood oo kale oo ku yaala gobolka Jubadda hoose.

XS
SM
MD
LG