Madaaficdan ayay is dhaafsanayeen ciidamada AMISOM iyo kooxaha ka soo horjeeda DKMG ee Somalia.
Waxaanay bilowdeen kadib markii dhowr hoobiye lagu garaacay qaybo kamida saldhigyada ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika ee jooga magaalada Muqdisho.
Dadka ku dhintay duqayntan ayay ku jireen ilama yar iyo haween ku ganacsanayay agagaarka shirkadaha isgaarsiinta ee suuqa Bakaaraha.
Sidoo kale madaaficda ayaa waxaa ku dhaawacmay dad gaaraya in kabadan 14 qof oo badankood la dhigay cisbitalka Deyniile sida uu VOAda u sheegay madaxa gaadiidka gurmadka deg dega cali muuse sheikh.
In kastoo magaalada Muqdisho ay saakay degantahay hadda kama jirto nabad si buuxda la isugu haleen karo.