Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Dhowr Dumar ah Ku Dhaawacay Marka


Qaraxa, ayaa loo waday ciidamada Amisom
Qaraxa, ayaa loo waday ciidamada Amisom

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay bambo kuwa gacanta laga tuuro ah oo goobjoogayaal ay sheegeen in loo waday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Wararka ka imanaya magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax uu ka dhacay gudaha magaalada kaasi oo ay ku dhaawacmeen afar qof oo dumar ah.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay bambo kuwa gacanta laga tuuro ah oo goobjoogayaal ay sheegeen in loo waday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Goobjooge magaciisa qariyey sababo dhinaca amniga ah ayaa VOA u sheegay in bambada lala waayey ciidanka kadibna ay ku dhex dhacday koox dumar ah oo meel fadhiyey halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 4 qof.

Mid ka mid ah dumarka dhaawacmay, ayaa la sheegayaa in xaaladdeedu tahay mid aad u liidata.

XS
SM
MD
LG