Waxaa shalay Magaalada Addis Ababa Caasimada Ethiopia lagu gudoonsiiyay shahaadada Doctorate Dr.Moha Dahir Faarax Jire oo ka mid ah hablaha ugu magaca dheer suxifiyiinta Soomaaliyeed , shahaadadaasi oo ay u garteen dawladda iyo jaamacadaha dalka Mauritius.
Waxaana shahaadaasi Dr. Moha Dahir Faarax jire gudoonsiiyay madaxweeynihii hore ee dalka Ghana haatana ah ergayga gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan arrimaha Somalia Jerry Rollings.
isla munaasabadaasi ayaa waxeey Dr. Moha Dahir faarax Jire ku wareejisay xilkii madaxtinimada ee ururka dib u noleeynta suxufiga Afrika ee Journalist for African Renaissance oo madax eey ka soo ahayd 3dii sanno ee la soo dhaafay,nin suxufi ah oo u dhashay dalka Cameron.
Warysi aan la yeelanay Dr Moha Dahir Farah Jire, qeybta hoose ee qoraalkeena ka dhageyso.