Isku xirrada

War Deg-Deg ah

M.Faroole: Qabyo Qoraalku Dastuur Uma Qalmo


Dowladda Puntland ayaa si weyn uga soo horjeesatay Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya kaasoo ay muddo koobani ka harsan tahay xiligii ay odayaasha ergooyink la soo xulay ay ansixin lahaayeen.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo nuqul kamid ah ay heshay VOA ayaa lagu sheegay in Dastuurkaasi uu yahay mid aan Soomaaliya lagu dhiqi karin laheyna qaabkii dastuur Federal ah uu lahaan lahaa.

Warqadan oo lagu socod siiyey xafiiska ergeyga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobey u qaabilsan soomaaliya Augustine Mahiga, Midoga Africa, Midowga Yurub iyo Maraykana ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaybo qoraalku uu yahay mid aan u diyaarsaneyn qaab wadan lagu dhiqi karo.

Madaxweyne Faroole waxa uu ku sheegay warqadiisa in Dastuurka Qabyo Qoraalka ahi uusan si cad u qeexeyn mabaadi’da asaasiga ah ee dowladda iyo awood qaybsiga maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, isla markaana uu yahay mid lagu jiho wareerayo.

Warqadan oo ahayd mid qoraalka ku qorani uu dhinacyo badan taabanayey ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland aysan ku qanacsaneyn kartida iyo aqoonta gudiga madaxa banaan ee Dastuurka iyo guddiga khubarada labadaba oo uu ku sheegay Faroole guddi soo xulidiisa ay isku koobtay DFKMG .

Ugu danbeyntii madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya inay si deg deg ah isug yimadaan si ay uga wada hadalaan qodobada lagu muransan yahay ee Datuurka.

Dhaleeceynta Puntland ee dastuurka Qabya qorlaaka ayaa ku soo beegmeysa xilli ay sii kordheeyso diidmada ka soo yeereysa qeybaha kala duwan ee bulshada ee dastuurkan.

Dr.Faroole: “Qabyo qoraalku ma ahan Dastuur u qalma Soomaaliya”

Updated:- 1 hour ago| Commnets

Dowladda Puntland ayaa dhaleeceysay Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya kaasoo ay muddo koobani ka harsan tahay xiligii aftida loo qaadi lahaa.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo nuqul kamid ah ay warbaahintu heshay ayaa lagu sheegay in Dastuurkaasi uu yahay mid aan Soomaaliya lagu dhiqi karin.

Warqadan oo lagu socod siiyey xafiiska ergeyga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobey u qaabilsan soomaaliya Augustine Mahiga, midoga Africa, midowga Yurub iyo Maraykana ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaybo qoraalku uu yahay mid aan u diyaarsaneyn qaab wadan lagu dhiqi karo.

“Dastuurka qabyo qoraalka ahi si cad uma qeexayo mabaadi’da asaasiga ah ee dowladda iyo awood qaybsiga maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, waana mid lagu jiho wareerayo” qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri.

Warqadan oo ahayd mid qoraalka ku qorani uu dhinacyo badan taabanayey ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland aysan ku qanacsaneyn kartida iyo aqoonta gudiga madaxa banaan ee Dastuurka iyo guddiga khubarada labadaba.

Ugu danbeyntii madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya inay si deg deg ah isug yimadaan si ay uga wada hadalaan qodobada lagu muransan yahay ee Datuurka.

Hadalka kasoo yeeray Puntland ayaa u muuqda mid laga dheehan karo sida ay u kordheyso dhaleeceynta loo soo jeedinayo Dastuurka qabyo qoraalka ah ee ay dowladda dhexe ee Soomaaliya dooneyso inay dhowana ansixiso
XS
SM
MD
LG