Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dr. Mahiga oo Wareysi Siiyay VOA


Dr. Mahiga oo Wareysi Siiyay VOA
Dr. Mahiga oo Wareysi Siiyay VOA

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Agustine Mahiga ayaa ka hadlay qabanqaabada shirka ka dhici doona Muqdisho.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Dr. Agustin Mahiga oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Niarobi kaga hadlay qaban qaabada shirka wadatashiga Soomaalida ee dhowaan lagu wado in Muqdisho lagu qabto.

Dr. Mahiga ayaa shirkaasi jaraa’id ka dib wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in guddi wadajir ah oo qaban qaabo loo saaray shirkaasi, oo qeyb ka ahaanayo guddigaasi ayuu yiri xafiiska Qaramada Midoobay ee siyaasadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in maamul goboleedyadu ay qeyb ka ahaanayaan qaban qaabada shirka, hase yeeshee wuxuu sheegay in Somaliland aysan qeyb ka ahayn shirkaasi iyo hawsha la xiriirta.

Dr. Mahiga ayaa sheegay inuu aad u saluugsan yahay wakhtiga yar ee ka harsan xilliga qabashada shirka, wuxuu sheegay inuu dhowaan Muqdisho u safri doono si uula soo kulmo guddiyada qaban qaabada.

Mahiga wuxuu sheegay inuu rajeynayo in la wadi karo doorashooyinka si loo helo dowlad mid ah, inkastoo ay hawshaasi adagtahay ayuu yiri haddana wuxuu intaa raaciyay inaanay ahayn wax aan suurtoobeyn.

XS
SM
MD
LG