Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladdu ma Booqan Dadka Abaareysan


Daahir Mire Jibriil.
Daahir Mire Jibriil.

Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaa lagu dhaliilay inaanay booqan, goobaha ay joogaan dadka abaaruhu soo qaxiyeen.

Daahir Mire Jibriil, madaxa hay'adda xuquuqda aadamaha ee Soomaalida ee gobolka Minisota, ayaa sheegay inuusan wax weyn u arag arrimaha siyaasadeed ee haatan taagan, balse abaaraha jira uu arko inay yihiin halis aad u weyn oo khatar ku ah jiritaanka Soomaaliya.

Wuxuu ku dhaliilay madaxda dowladda KMG ah inaanay tegin goobaha ay joogaan dadka abaaruhu soo qixiyeen.

Eedeyntan loo jeediyay madaxda Soomaalida waxay soo baxeysaa, iyadoo warbaahinta caalamku ay baahiyeen madax adduunka kale ka tirsan oo booqday goobaha ay joogaan Soomaali dhibaato weyn ka soo gaartay abaaraha. Waxaa ka mid ah madaxdaasi, ra'iisal wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga.

Inkastoo dowladda KMG ah aysan booqan karin goobaha ay barakacayaashu kaga sugan yihiin meelaha ay ka taliso kooxda al-Qaacida taabacsan ee al-Shabaab, haddana madaxdu waxay socdaal ku tegi karaan, dadka soo maciin biday meelaha dowladdu ka taliso ee magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG