Isku xirrada

Dowladda: Weriyayaasha Dambi Bay Galeen


Cawil Daahir Salaad

Cawil Daahir Salaad

Wasiiru-dowlaha wasaaradda warfaafinta Maxamed Cabdi Xasan Beekoos oo shir jaraaid qabtay ayaa shegay in weriyayaashu ay danbi galeen, cidkasta oo danbi gashana aan sharcigu cafin doonin.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay xadhiga weriyayaasha ka tirsan TV-ga Universal ee shalay ay xireen ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya.

Ciidamada nabad-sugida Soomaaliya waxa ay xireen wariye Cawil Daahir Salaad iyo Cabdullaahi Xirsi Kulmiye iyagoo markii danbana ciidamo hubeysan u diray xarunta TV-ga ee magaalda Muqdisho.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda warfaafinta Maxamed Cabdi Xasan Beekoos oo shir jaraaid qabtay ayaa shegay in weriyayaashu ay danbi galeen, cidkasta oo danbi gashana aan sharcigu cafin doonin.

Waxa uu sheegay in teleefishinka ay kasii daayeen dood hadallo ka dhan ah dowladda lagu faafiiyey, ayaga oo aan fursad u siin dowladda in qof difaaco uu uga qeyb-galo doodda.

Hoos ka dhageyso wasiirka.

XS
SM
MD
LG