Isku xirrada

Dowladda oo Sharciga Miinada Ansixisay


A Lebanese soldier steps over a landmine. (file)

A Lebanese soldier steps over a landmine. (file)

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, iyaga oo sidoo kalena ansixiyey dhismaha hay’adda wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa (SEMA).

Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, oo kullankii golaha wasiirada ee maanta ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay helista iyo nidaam xaqiijinaya wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa oo dhibaato ku haya dadka iyo xoolaha ku dhaqan miyi iyo magaaloba.

“Waxaa cad baahida loo qabo in la helo barnaamij ku haboon howsha Miinada laguna baajinayo dhibaatada iyo khatarta aadami ee ka dhalata Miinda dhulka iyo walxaha aan weli qarxin” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in Miinada iyo Waxlaha kale ee qarxa ay dib u dhac dhaqaale u keento deegaanada, maadaama sida uu sheegay laga cabsi qabo in la maalgashado ama dib u dhis iyo horumarinba lagu sameeyo.

​Kullankii golaha Wasiirada ee maanta ayaa sidoo kale lagu meel mariyay xeer nidaamiyaha hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gudaha ka howlgala ee ka shaqeeya howlaha Miinada iyo Walxaha Qarxa.

XS
SM
MD
LG