Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda: Waxaan Dilnay Shabaab Badan


Askari ka tirsan dowladda oo dagaal ku jira (File Photo)
Askari ka tirsan dowladda oo dagaal ku jira (File Photo)

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Bakool Cabdi Nuur Maxamed Cabdi, ayaa VOA u sheegay in dagaalka ay ku dileen 11 ka tirsanaa maleeshiyadii kooxda Al-Shabaab.

Dagaal u dhaxeeyay maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidamo isbaheystay oo Soomaali, Liyuu Booliis iyo AMISOM Ethiopian ah ka kooban ayaa shalay galab dhicii ka dhacay deegaanka Ceel Boon ee gobolka Bakool.

Sida ay mas’uuliyiinta gobolka u sheegen idaacadda VOA-da, dagaalka ayaa dhacay markii ciidamadan isbaheysanaya ay weerar ku qaadeen gawaari ay lee yihiin Al-Shabaab oo waday maleeshiyo dhaawac ah.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Bakool Cabdi Nuur Maxamed Cabdi, oo ay wareysatay VOA-da ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen 12 ka tirsanaa maleeshiyadii kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale ku warramay inay gacanta ku dhigeen gaari ay saarnaayeen shan maleeshiyo oo dhaawac ah. Cabdi Nuur, waxa uu sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay ee Ceel Boon, ayaa waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana lagu warramayaa inay xaaladda dgean tahay.

Maalin ka hor ayay ahayd, markii mas'uuliyiinta gobolka Bakool ay sidoo kale sheegeen inay 25 maleeshiyo oo Al-Shabaab ka tirsanaa ay ku dileen dagaal kale oo gobolka ka dhacay.

Wareysiga guddoomiyaha hoos ka dhageyso.

Wareysi: Dagaalka Bakool
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:02 0:00

XS
SM
MD
LG