Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda: Waxaan dilnay 25 Shabaab ah


Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab (File Photo)
Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab (File Photo)

Saraakiisha ciidanka dawladda ee Gobolka Bakool ayaa sheegtay inay dileen ilaa 25 maleeshiyaad ah oo ay ku jiraan 4 horjooge oo ka tirsan Al-Shabab.

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in hawlgallo ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay sameeyeen ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya lagu dilay saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabab.

Saraakiisha ciidanka dawladda ee Gobolka ayaa sheegtay inay dileen ilaa 25 maleeshiyaad ah oo ay ku jiraan 4 horjooge oo ka tirsan Al-Shabab.

Horjoogayaasha weerarka lagu dilay, ayay saraakiishu sheegeen inay xilal sare ka hayeen maleeshiyada Al-Shabaab, ayna soo bandhigi doonaan magacyadooda. Dowladdu waxay sheegatay in wax khasaare ah uusan soo gaarin dhankooda.

Waxaa kale oo saraakiisha ay shaaca ka qaadeen in dagaalkan oo la qaaday 16-kii bishan uu ka dhacay dhul cabirkiisu dhan yahay 70 Km.

Faahfaahinta shaqsiyaadka la sheegay in la dilay iyo weerrada dhacay ayaa Ismaaciil Xuseen Farjar uu ka waraystay Kabtan Aden Maxamud Calasow Indha-Buur oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda.

Wareysiga Indha-buur
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:27 0:00

XS
SM
MD
LG