Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowlada oo Sarkaal Shabaab ah Qabatay


Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa howl gal ay ka sameeyeen shalay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud waxa ay ku soo qabteen horjooge ay saraakiisha ciidamadu ku sheegeen in uu ka tirsanaa maleshiyaadka al-Shabaab ee weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah ku soo qaadi jirey saldhigyada ciidamada ee deegaannadaasi.

Ku simaha guddoomiyaha degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Maxamed (Biyo Quute), ayaa VOA u sheegay, in horjoogahan oo magaciisa lagu soo koobay Cali Geney, ay ka soo qabteen deegaanka Ceel Shiil oo dhinaca koonfured kaga beegan degmada Ceelbuur, una jirta dhowr iyo toban KM.

Waxaa uu sheegay in Cali Ganey uu kasoo jeedo deegaanka, balse uu sanadihii dambe dhibaato ku hayey dadka deegaanka.

Ku simaha guddoomiyaha degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Maxamed (Biyo Quute), ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya inay kala wareegto maxbuuskan iyo kuwa kale oo horey ay gacanta ugu dhigeen.

Jamal Axmed Cismaan ayaa qadka telefoonka ku wareystayey Cabdi Xasan Maxamed Biyo Quute.

Wareysi: Cabdi Xasam
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:22 0:00

XS
SM
MD
LG